Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka KG oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dil magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaanad ka tirsaneyd Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka Xildhibaanada ayaa ka dhacay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waxaana fuliyay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo ku hubeysnaa bastoolado.

Xildhibaanada la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir, waxaana dilkeeda xaqiijiyay qoyska Xildhibaanada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiliga Xildhibaanada la dilayay ay ku jirtay gudaha Farmashiye ku yaalla Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa ugu fogeyn Isgoyska Maana-booliyo.

Dhianaca kale, Maamulka degmada Shibis iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku daba jiraan raggii dilka geystay, ayna rajeynayaan in ay gacanta ku soo dhigaan, si cadaaladda loo horgeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this