Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo sheegtay in ay ku guuleysatay hadafkii ay ka laheyd dhismaha Maamulka Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Iydoo ay sii xoogeysaneyso Khilaafka ka dhashay  Darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso qeybo kamid ah Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Kenya kasoo yeeray hadal shaki weyn dhaliyey kaasoo ay ku sheegtay inay gaartay ujeedkii laga lahaa dhismaha Maamulka Jubblanad oo dhul ahaan ka taliyo meelaha ay Dowladda Kenya ka dhiseyso Darbiga/

Wargeyska The Star ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa sheegay in taliye ku xigeenka sirdoonka Kenya uu ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu dowladooda u leeyahay maamulka dabadhilifka ah ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.

Qorshaha Dowladda Kenya ee lagu dhisay Maamulka Jubbaland waxaa la dhameystiray billowgii Sanadkii 2010kii.

Hayeeshee gaba gabadiisii waxaa ay ahayd Bishii January sanadkii 2013kii markaas magaalada Kismaayo ay isugu tageen Ergo dhan 522 Qof,kuwaas oo qaatay go’aan adag islamarkaana madaxweyne u doortay hoggaamiye kooxeed hore Axmed Maxamed Madoobe.
Barnaamijka lagu dhisay Jubbaland waxaa uu ahaa shaqada 19 sano ee Ninka lagu magacaabo Nuuraddiin Yuusuf Xaaji oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta u magacaabay ku xigeenka Taliyaha Nabad Sugidda Kenya.
Nuuradiin waxaa uu shirguddoomiye ka ahaa kulan ay yeesheen Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay xasilinta Soomaaliya,waxaana kulankaas ka dhashay Maamul Goboleedka Jubbaland.
Sooyaalka Nuuraddiin ayaa hadda waxaa ku xusan in waxqabadkiisa ay ka mid tahay dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland State of Somalia .
Nuuraddiin waxaa uu shirkaas ka sheegay in sugidda Amniga Kenya ay muhiim u tahay in la helo degaan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo aysan Al-shabaab ku noolaan Karin,taas oo ka imaneysa in la dhiso Maamul Goboleed ay dhisto Kenya hayeeshee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

” Kenya waxay Xaqiijisay Amaanka Deegnadeeda, waxayna taas aheyd ujeedada ugu weyn ee laga lahaa dhismaha maamulka Jubland” ayuu yiri Nuuradiin.

Nuuradiin ayaa ku faanay in Qorshaha uu isagu garwadenka ka ahaa uu Kenya u xaqiijiyay Hadafkii ay la lahayd Sameeynta Jubbaland sida uu hadalka u dhigay kar uu Baarlamaanka Kenya la hadlayey.

ugu dambeyntii Madaxtooyadda Kismaayo hormuud uma aysan noqon Xal u raaadinta Darbiga Xuduudda Kenya ay ka dhiseeyso, marka laga reebo Masuuliyiinta Gobolka Gado oo muu jiyay dhaqdhaqaaq ka dhan ah Darbiga Xuduudda ay Kenya ka dhiseeyso.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa War saxaafadeed ka soo saaray xaalada ka taagan Beledxaawo iyo Darbiga ay Kenya ka dhiseyso.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo arrinta darbiga Kenya dhiseyso uu saddex kala hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la joojiyo dhismaha Darbiga iyo in la sameeyo Guddi wadaag oo labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this