Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Beeralayda Gobolka Bari Oo ka cabanaysa Canshuur lagu Soo rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beeralayda Puntland ee Gobolka bari ayaa ka cabanaya Canshuur ay ku soo rogtay dowladda  hoose ee Degmada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland .

Beeralayda aya sheegtay in aysan jirin wax Cansuur ah oo horay loo ga qaadijira , marka laga reebo Qidmad yar oo ay Wasaarada Beeraha iyo waraabka Puntland ay ka qaado taas oo ku xaroota Wasaarada Maaliyada ee Puntland.

Beeralayda Puntland ayaa arin ku tilmaantay waxlaga laga xumaado maadaama Beeralayda Puntland  wali aysan ka soo kabsan Abaartii dalka Soomartay aysan jirina cid kale oo dhaqaale siisa ama maalgalisa

Mas,uuliyiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland oo aan laxiriirnay ayaa noo xaqiijisay in aysan waxba ka ogayn Cansuurtan lagu soo rogay Beeralayda Gobolka bari waxaana kamid ah Cali Axmed Cumar lataliyaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland .

Hadaba halka ka dhagayso Gudoomiyaha Beeralayda Puntland Cabdi Casiis Garaad oo arimahaasi kahadlaya .

      Cabdi Casii Garaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this