Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer ilaalinta Puntland oo maanta sii daysay warbixin culus oo ku saabsan arrimaha Kufsiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo maanta jir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa soo bandhigay tacadiyada Kufsi ee saddexdii bilood ee ugu dambeysa ka dhacay  gobolada Puntland.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay soo diiwaan galiyeen 18 kiis oo kufsi ah oo sannadkan ka dhacay guud ahaanba Puntland, kuwaas oo intooda badan lagu dhameeyay xeer dhaqameedyo aan waafaqsanayn sharuucda iyo qawaaniinta dowladda uga degsan Kufsiga.

Waxaa hadalkiisa ku jiray digniin uu ujeedinayay Odayaasha iyo nabadoonada ka tilaabsada sharuucda dowladda Puntand uga degsan tacadiyada Kufsiga islamarkaana si hoose ku dhameeya kiisaska nuucaan ah, iyadoo la dulminayo dhibbanaha lagu tacadiyay.

Xeer ilaaliyuhu waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan hay’addo caalami ah oo ku shaqaysta inay abuuraan kiisas been abuur ah oo kufsiga la xiriira, si ay dhaqaale uga helaan islamarkaana magac dil ugu sameeyaan dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

Hay’addaha nuucaas ahi waxaa xeer ilaaliyuhu uu u ujeediyay digniin adag iyo in maxkamad lasoo taagidoono cidii falkaas foosha xun lagu helo.  Waxaa sidoo kale uu sheegay in maxkamad lasoo taagidooni cid kasta oo iskudayda inay si hoose ku dhameyso fal dambiyeedka kufsiga.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this