Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dowladda oo si deg deg ah ugu yeertay safiirka Imaaraadka oo wax laga weydiiyay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Xukuumadda federaalka Somalia ayaa markii ugu horeysay qaatay tallaabadii ugu horeysay ee faragelinta Imaaraadka Carabta ku haayo arrimaha Somalia, iyadoo u yeertay safiirka u fadhiya Somalia Mohamed Ahmed Al-cuthmaan Xamaadi.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa si toos ah ugu yeeray safiirka Imaaraadka Carabta, oo wax ka weydiiyay heshiiska ay la galeen maamulka Somaliland ee saldhiga milateri iyo heshiiska dekadda Berbera ee DP World.

Wax faahfaahin ah lagama bixin wixii kasoo baxay kulanka safiirka iyo wasaaradda arrimaha dibada Somalia.

Dowladda Somalia ayaa muujisay sida ay uga xun tahay tallaabooyinka is daba jooga ee ka hor imaanaya qaranimada iyo madax banaanida Somalia ee Imaaraadka Carabta ku faragelinaayo Somalia.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sanadahiii u danbeeyay saameyn ballaaran ku yeelatay arrimaha Somalia, iyadoo heshiisyo ka hor imaanaya qaranimada Somalia la gashay maamulada dalka ka jira.wasiiru-dowle-safiir-imaaraadka-1.jpg?re wasiiru-dowle-safiir-imaaraadka-2.jpg?re wasiiru-dowle-safiir-imaaraadka-4.jpg?re

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this