Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo weli ku howlan isbedelka Saraakisha CX & La kulanka Saraakisha dhalinyarada ee xilalka loo dhiibay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa kulan khaas ah Xafiiskiisa Wasaarada Gaashandhiga kula qaatay Saraakiisha ciidamada Militeriga Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaara ula kulmay Saraakiisha dhalinyarada ah ee dhawaan loo dhiibay Hogaanada, waxa uuna kala hadlay sida ay ugu shaqeyn lahaayen howlaha Wasaarada iyo amniga Gobolada.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Saraakiisha u sheegay in Somalia aysan wax ka sugeynin iyaga mooyee, waxa uuna ka dalbaday in si ay ku jirto wadaniyad ay al-Shabaabka uga xoreeyan dalka.

‘’Waxaan wakhti badan siinayaa sida dalka oo idil ay ku hogaamin lahaayen dhalinyaro, waxaan rumeysanahay in Somalia ay ku jirto xiligii ay wax ka sugeysay dhalinyarada’’

‘’Waxaan idinkaga fadhiyaa in si daacadnimo ay ku jirto aad ugu adeegtaan dalka iyo dadka oo amaano nagu ah, waxaan idinka sugeynaa dib usoo celinta sharafka dalkeena’’

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Saraakiisha dhalinyarada ah ka dalbaday in ay u sheegan baahiyaha ay qabaan iyo wax walba oo ay u baahan yihiin, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo intaa kadib dhalinyaradan u sheegay in si deg deg ah uga jawaabi doono arrimihii ay u bandhigeen, waxaana saakay la filayaa inuu ka jawaabo cadsiyadii Dhalinyaradan ay u gudbiyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan howlihiisa shaqo u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, si uu u dhiiro-geliyo Ciidamada Xoogga dalka iyo in uu la socdo xaaladahooda.

Bilowgii bishan ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay 13 Sarkaal oo ka tirsan Millitariga Soomaaliya oo gaboobay ama Odayaal noqday, waxaana lagu bedelay dhalinyaro aqoon leh oo dhawaan ku biirtay Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Dibaddiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this