Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war cad kasoo saartay duulaanka ay Kenya ku tahay Beled Xaawo & Hanjabaad loo diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa ka hadashay duulaanka ay dowlada Kenya kusoo qaaday degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Maleeshiyada ayaa sheegtay inay ka jawaab celin doonaan talaabada ay Kenya ugu soo xad gudbeyso degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Maleeshiyada Sheekh Cali Maxamuud Raage ‘’Sheekh Cali Dheere’’ oo la hadlay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Shabaab, ayaa sheegay in al-Shabaab ay difaaceyso xadka.

Cali Dheere, wuxuu sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Kenya ay qabsato dhul Soomaaliyeed,hase ahaatee ay al-Shabaabna qabsan doonaan Kenya, si uu usoo degdego xalka Somalia.

Cali Dheere, wuxuuna tilmaamay in Kenya ay ku soo duushay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya, isaga oo sheegay in falkan uu yahay daan daansi qaawan, balse ay al-Shabaab isaga filantahay.

Cali Dheere, waxa uu sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray Maamulka Jubbaland oo raali ku ah in Kenya ay xad gudub ku soo sameyso dhulka Soomaaliyeed, balse wuxuu sheegay in aysan u suuragali doonin in Kenya ay heysato taako dhul Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Beled Xaawo ku ammaanay qaabka ay uga dhiidhinayaan xad gudubka Kenya ay ku soo sameysay Soomaaliya, shacabka qaar ayaa sheegay in guryahooda la dumiyay.

Haddalka Cali Dheere, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay arrintaan mas’uuliyada ka saran ka jiifsatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this