Deeq A. Posted March 27, 2018 Afhayeenka Al-Shabaab Sh Cali Maxamuud Raage (Sh Cali Dheere) ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay xiisada Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeyso ee ka taagan Magaalada Beled-Xaawo. Cali Dheere oo wareeysi siinayay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ee Andulus uu kaga hadlay Xiisada Beled Xaawo. Waxa uu ku eedeeyay dowlada Kenya in ay daan daansi iyo dhul balaarsi ay ku heeyso Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Kenya aanay u suurtali doonin rabitaankooda islamarkaasina Kooxdooda ay dagaal kala hortagi doonaan. Waxa uu amaan iyo bogaadin u jeediyay Shacabk Baled Xaawo oo ku amaanay sida ay ugu soo horjeeysteen Ciidamada Kenya. “Dowladda Kenya ma ahan markii ugu horeysay oo ay qabsato dhul Soomaaliyeed oo dad muslimiin ahna ay gumeysato, waxay ku soo duushay qeybo badan oo ka mid ah dhul Soomaaliyeed, waxaan u aragnaa dulmi iyo duulaan, marna ma aqbaleyno in Kenya ay ku soo xad gudubto dhul Soomaaliyeed, Mujaahidiintu waxay diyaar u yihiin in ay garab iyo gaashaan u noqdaan shacabka Beled Xaawo. Ayuu yiri Cali Dheere. Maamulka Jubbaland ayuu ku eedeeyay in ay raali ka yihiin ciidamada Kenya ay ku soo xadgudubto Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa dagaal kula Jirto Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM oo ka koobaan qaar kamid ah dowladaha Afrika. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-shabaab oo ka hadashay Xiisada Baled-Xaawo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites