Deeq A. Posted March 27, 2018 Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland,Maxammed Xareed Faarax oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay tacaddiyada kufsi ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay afar gobol oo kamid ah sagaalka gobol ee Puntland. Maxammed Xareed Faarax ayaa sheegay in Xeer-ilaalintu ay xafiisyo ku leedahay afarta gobol ee kala ah Nugaal,Mudug,karkaar iyo Bari,sidaasi darteedna ay xogta sugan ee tacaddiyada ku kufsiga ka heleen afartaasi gobol oo saddexdii bilood ee sannadkaan ay ka dhaceen 18 kiis oo kufsi ah. Xeer-ilaaliyaha ayaa eedayn kulul u jeediyay qaar kamid ah hay’adaha reer Galbeedka oo uu sheegay in ay kufsiyo been abuur ah ka sheegaan degaannada Puntland,isagoo digniin ku bixiyay in hay’addii lagu helo arrintaasi sharciga la horgeyn doono. Sidoo kale wuxuu eedayn taas lamid ah u jeediyay qaar kamid ah odayaasha Dhaqanka degaannada Puntland oo uu sheegay in ay daboolaan kufsiyada loo geysto gabdhaha,islamarkaana ay laaluush ka qaataan ehelada denbiilaha tacaddiga geystay,si ay lacag uga sameeyaan xaqa dulmanaha. Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland,Maxammed Xareed ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay maxkamad la tiigsanayan Oday-dhaqameedkii si hoose u xalliya kiis kufsi. Goor dhow la soco shirka jaraa’id oo muuqaal ah:Puntlandpost.net The post 18 kufsi oo Puntland ka dhacay ayaa haatan la shaaciyay. appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites