Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi Cabdi.” Gabi-ahaanba waan joojinay wada hadaladii na dhexmari lahaa xukuumada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay gabi-ahaa ba joojiyeen wada-hadaladdii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay in ay dhawaan bilaabmaan, kadib markii uu sheegay in Muqdisho ay weerar qaawan ku soo qaaday Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay dowladda federalka Soomaaliya inay caalamka ugudbisay jahwareerin iyo been abuurasho ka dhan ah jiriraankooda iyo xaqa ay uleeyihiin in maalgashi caalami ah lagu sameysto dhulkooda.

“Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya oo markii hore la qorsheeyey inay bilaabmaan 19-kii bishan March 2018-ka, waanu joojinay. Sababta oo ah xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey jiritaankeeda ayuu yidhi  Muuse Biixi Cabdi.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Somaliland uu muddo bil ah dib u dhigay wada hadalada labada dhinac, laakiin go’aankaan ayaa meesha ka saaraya go’aankii hore.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this