Deeq A. Posted March 26, 2018 Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa ku amray dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala degaannada Puntland in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Gaas oo maanta guddoomiyay shir ku saabsan la-xisaabtanka hay’daha ka hawgala degaannada Puntland, ayaa sheegay in aan cidna lagu dhaafayn canshuurta sida uu qabo sharciga iyo waajibaadka canshuur-qaadista ee dowladda Puntland. In ka badan 26 hay’adood oo caalami ah ayaa ka hawlgala guud ahaan degaannada Puntland,kuwaasoo la shaqeeya Wasaaradaha dowladda iyo ururrada bulshada rayidka,sidoo kale in ka badan 600 oo hay’ado maxalli ah ayaa ka hawlgala degmooyinka iyo gobolada Puntland,waxaana dowladdu sheegtay in 50 hay’adood oo keliyah ay si sharci ah u shaqeeyaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo hay’adaha Puntland ka hawlgala ku amray in ay canshuurta bixiyaan appeared first on Puntland Post. Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted March 26, 2018 how much? has taxation rates been set? Quote Share this post Link to post Share on other sites