Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno Muudeey Ku Eedeeyay Inuu Wax Ka Wado Mooshinka Jawaari iyo Digniin ay usoo jeediyeen xukuumadda Xasan cali Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-wararka laga helayo Villa Hargeisa ayaa sheegaya in ay halkaasi kushirayaan Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

xilibaanadaan oo isku magacaabay gudiga bad-baadada Golaha shacabka ayaa hadda shir kuleh Villa Hargeisa ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Cabdiweli Muudeey ku eedeeyay in uu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka wada Gudoomiye Jawaari.

waxa ay xilibaanadaan uga digeen xukuumadda Xasan Cali Kheyre in ay joojiyaan carqaladda ay ku heyso golaha shacabka.

Xildhibaannadan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sidoo kale xukuumadda Xasan Kheyre uga digay Gudiga bad-baadada Golaha shacabka ayaa tiradooda ku sheegay in ay gaarayaan ilaa 100 Xildhibaan  iyaga oo sheegay in ay u soo baxeen badbaadinta golaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this