Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada hadlay muranka Darbiga Kenyab ka dhisayso xadka labada dal.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Kenyatta ayaa isku afgartay in xal laga gaaro muranka ka dhashay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Labada dal.

Warsidaha Puntlandi oo soo xiganaya ilo diblumaasiyeed ayaa ogaaday in maalinta berito shir la isugu imaan doono lana joojiyey dhismihii darbiga ee ka socday Baladxaawo, sida ay isku afgarteen labada madaxweyne oo qadka taleefonka kuwada xidhiidhay

Labada madaxweyne ayaa guddi gaar ah u xilsaaray arintaan.

Xaaladda magaalada Balad Xaawo ayaa maanta degan sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ku ah gudaha magaalada oo maalmihii u danbeysay ay ka socdeen mudaharaad lagu diidanaa darbiga dowladda Kenya ka dhisayso xadka labada dal.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this