Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka ku saabsan xaaladda Beledxaawo oo berri u furmaya Somaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa guddoomiyaha gobolka Gedo,Maxamed Maxamuud Maxamed ka soo xigatay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen shir heer sare ah oo ku saabsan xal u helista muranka ka dhashay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Labada dal, lana qaban doono maalinimada barri ee talaadada ah, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu arrinkan guddi u xil saaray.

“Waxaan xaqiijineynaa in shirka la isugu imaan doono 27ka bisha, ka horna la joojiyey dhismihii darbiga. Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandera.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Guddoomiye Maxamed ayaa ku bogaadiyey bulshada Beled Xaawo sida ay u garab istaageen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista khilaafka ka taagan xadka Soomaaliya iyo Kenya.

PUNTLAND POST

The post Shirka ku saabsan xaaladda Beledxaawo oo berri u furmaya Somaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this