Deeq A. Posted March 26, 2018 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ka digay in ereyga”madax-bannaani” si qaldan loo adeegsado. Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin cid ka madax-bannaan Sharciga iyo Diinta oo wax walba sameyn karta,isagoo ka digay in kelmadda si qaldan dalka loogu dhibaateeyo”Kelmaddaan horta madax-bannaanidu, dhibaato badan bay dalka u keentay. Aniga Cabdi Xisir ah haddaan iraahdo waa madax-bannaanahay,ma madax-bannaani,cid madax-bannaanna ma jirto,sharciga Ilaahayna qofka ma madax-banneyn”,ayuu yiri Qarjab. Mudaane.Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in cid kasta u baahantahay sharci haga oo wixii qaldan ka qabta,haddii taasi la waayana ay umaddu la mid noqonayso sida xoola,islamarkaana noloshooda ay jiho la’aan ku soconayso. Halkaan ka daawo Qarjab. PUNTLAND POST The post Wasiir Qarjab”Cid madax-bannaani ma jirto”. appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites