Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Wasiirka warfaafinta Puntland oo beeniyay qoraal lagu faafiyay baraha bulshada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa cambaareeyay oo beeniyay qoraal baraha bulshada lagu faafiyay, iyadoo la adeegsanayo ciwaan lagu sameystay magaciisa iyo sawirkiisa.

Qoraalkaas looga been abuurtay wasiirka, ayaa waxa uu ku saabsanaa, isagoo wasiirku ku dhawaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxtinimada Puntland 2019 sidoo kalena waxaa loogu gafay madaxweynaha dowladda Puntland.

Wasiirka warfaafinta qoraalkaas waxaa uu ku tilmaamay mid been abuur ah oo uusan waxba kala soconin, isagoo intaas ku daray inuu xaq uleeyahay inuu iskusoo sharaxo jagada madaxweyne marka xilligeeda la gaaro.

Facebook-ga, ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay shakhsiyaad ku qaraabta magaca masuuliyiinta, iyagoo soo dhigaya qoraalo dadka lagu jahwareerinayo.

Halkaan ka dhegayso codka wasiirka.

      Qarjab

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this