Sign in to follow this  
Deeq A.

(Sawirro+Dhegeyso) Wasaaradda Haweenka Puntland oo Garoowe ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan Tacadiga Haweenka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa maantay Magaalada Garoowe ku qabatay dood cilmiyeed looga hadlayo caqabadaha hortaagan joojinta tacadiga ka dhanka jinsiga.

Kulankaan dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa si wadajir ay u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Horumarinta Haweenka Puntland iyo Marwada Madaxweynaha Puntland.

Waxaa kasoo qaybgalay Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Drs Hodan Siciid Ciise,Wasiirka Haweenka Puntland,xubno ka socday Wasaaradaha Puntland,Xildhibaano,Culimo,Odayaal dhaqameed,Dhaqaatiir,Dhalinyaro iyo Haween ka socday Xaafadaha Garoowe.

Dooda ayaa intii ay socotay waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey Tacdiyada ka dhanka ah Haweenka Gaar ahaan Gudniinka gabdhaha iyo kufsiga iyadoo dadweynihii kasoo qaybgalay ay su,aalo waydiiyeen masuuliyiintii kasoo qaybgashay.

Dood iyo Falanqayn dheer kadib dadweynihii kasoo qaybgalay iyo masuuliyiinta ayaa isku raacay in si wadajir ah looga hortago Tacdiyada loo gaysto haweenka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Drs Maryan Axmed Cali ayaa sheegtay in wasaaradu mar walba gacan siiso haweenka dhibaatooyinka tacadi loo gaystay iyadoona sidookale sheegtay inay shaqo abuur u sameeyeen haweenka gabdhaha arintaas oo yaraysay Gudniinka Gabdhaha.

Marwada Madaxweynaha Puntland Drs Hodan Siciid ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay karaamo leeyihiin islamarkaana aysan gayin tacadi loo gaysto iyadoona bulshada ugu baaqday in si wadajir ah loo joojiyo gudniinka Gabdhaha.

Halkaan ka dhegeyso codka.

      Z0000028 - My Recording

Sawirro.

IMG_0741.jpg IMG_0744.jpg IMG_0745.jpg IMG_0746.jpg IMG_0750.jpg IMG_0752.jpg IMG_0763.jpg IMG_0777.jpg IMG_0779-1.jpg IMG_0789.jpg IMG_0791.jpg IMG_0792.jpg IMG_0798.jpg IMG_0799.jpg IMG_0800.jpg IMG_0801.jpg IMG_0802.jpg IMG_0803.jpg IMG_0804.jpg IMG_0805.jpg IMG_0807.jpg IMG_0808.jpg IMG_0809.jpg IMG_0811.jpg IMG_0812.jpg IMG_0813.jpg IMG_0814.jpg IMG_0815.jpg IMG_0816.jpg IMG_0818.jpg IMG_0820.jpg IMG_0822.jpg IMG_0823.jpg IMG_0824.jpg IMG_0826.jpg IMG_0827.jpg IMG_0828.jpg IMG_0832.jpg IMG_0833.jpg IMG_0835.jpg IMG_0836.jpg IMG_0837.jpg IMG_0838.jpg IMG_0842.jpg IMG_0844.jpg IMG_0845.jpg IMG_0846.jpg IMG_0849.jpg IMG_0850.jpg IMG_0853.jpg IMG_0855.jpg IMG_0867.jpg IMG_0878.jpg IMG_0879.jpg IMG_0880.jpg IMG_0883.jpg IMG_0886.jpg IMG_0887.jpg IMG_0888.jpg IMG_0889.jpg IMG_0896.jpg IMG_0898.jpg IMG_0902.jpg IMG_0907.jpg IMG_0911.jpg IMG_0917.jpg IMG_0923.jpg IMG_0928.jpg IMG_0935.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this