Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo maanta la kulmaya Wasiirka Difaaca

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Difaaca Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah la kulmaya Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Maxammed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,sida ay xaqiijinayan xog-ogaal ku sugan magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa lagu wadaa in ay Wasiirka su’aalo ka weydiiyaan xiisadda ka dhalatay dhul-boobka dowladda kenya ay ku hayso shacabka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo sida wasaaraddiisu ay ku wajahayso xiisaddaas.

Sabtidii shalay,xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa codsaday in si deg deg ah loogu yeero Wasiiro uu ku jiro kan Difaaca,si wax looga weydiiyo dhul-boobka dowladda Kenya ay ka waddo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo maanta la kulmaya Wasiirka Difaaca appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this