Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya Oo looga yeeray Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Aqalka Sare e Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dalbadeen in ay Golaha Aqalka Sare ay hor yimaadaan Afar Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya .

Wasiiradan ay uyeereen Xildhibaanda  Aqalka Sare ayaa kala ah  Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiirka Arrimaha gudaha,Cabdi Maxamed Zabriye iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Axmed Ciise Cawad si wax looga weeydiiyo waxa ay ka ogyihiin xadgudubka dowladda Kenya ay ku sameysay dhulka Soomaaliya.

Sababta Wasiiradan looga yeera Aqalka Sare ee Soomaaliya in ay hor tagan ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada ay  doonayaan in ay  Su,aalo ka waydiin doonaan Wasiiradan Xaalada dalka uu ku suganyahay , Xadgudubka kenya ee Xadka Soomaaliya iyo kenya udhaxeeya  gaar ahaan xiisada ka taagan Magaalada Balad Xaawo  Amniga Caasimada oo sii xumaanaya,  iyo heshiisyada Xukuumada ay lagashay dalka danaynaya in ay Soomaaliya ay maal gashadaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this