Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Biyo la,aan ka jirta Degmada Qandala iyo Tuulooyin Hoos yimaada

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Qandala ee  Gobolka bari iyo Tuulooyin hoos yimaada ayaa waxaa laga soo sheegayaa biyo la,aan ka jirto Ceelashii biyaha ee dadka iyo duuyada ay ka cabijireen.

Tuulada Unuun ayaa kamid ah deegaanada ay biyo la,aantaay  ka jirto ,waxaan Tuuladaasi ku nool sida la sheegay  dad gaaraya ilaa iyo 3 kun oo qoys oo xoolo dhaqato.

Dadka deegaanka Unuun ayaa haatan waxa ay ku tirsan yihiin oo ay Biyaha ka cabaan Baraagaha biyaha lagu keediyo, iyo  Ceel wayn oo halkaasi ku yaala oo ay hirgalisay dowladdi dhexe ee dalka Soomaaliya, kaas oo aan lahan haatan biyo kufilan dadka deegaanka.

Foostada Biyaha  ayaa deegaanka Unuun waxa lagau kala iibsanayaa  hadiiba la helo  inta udhaxaysa  25-30  doolar .

Majirto wax gar gaar ah oo ay dadkan ka heleen  ilaa iyo haatan dowladda  Puntland iyo Hay,adaha gargaarka toona.

Qaar ka mid ah wax garadka Deegaanka Unuun ayaa ka warbixinaya Xaalada dadka iyo duunayad ay ku sugan yihiin .

Halkan ka dhagayso .

      odayaasha deegaanka Unuun ee Gobolka bari

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this