Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawke oo ka digay Qaaxada dawooyinka u adkeysata

Recommended Posts

Deeq A.   

Cawke1.jpg?resize=768%2C432

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland,Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise(Cawke) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee cudurka Qaaxada ay ka dhalato,dawooyinka oo aan si nidaamsan loo qaadan.

Wasiirka ayaa bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay is-baaraan ka hor inta aanay qaadan dawooyinka,islamarkaana qofkii laga helo cudurka Qaaxada uu si nidaamsan u qaato dawooyinka lagu cirib-tiro il-ma-aragtada dhalisa TB-da,isagoo ka digay in haddii dawooyinka la kala jaro uu cudurku gaarayo heerka adkeysiga sameeya ee khatarta ah.

“Waxyaabaha ugu daran ee na haystana waxaa kamid ah daawo la iska qaadanayo iyadoo aan la is-baarin oo goortii dhowr beri la qaato ama qofku xoogaa soo roonaado la joojinayo,amase hadba si goos’goos ah u cunayo oo uusan si joogta ah u wadeyn.Daawada saas loo cunayo waa midda keenta in adkeysi loo yeesho cudurka”,ayuu yiri Wasiir Cawke.

Dr. Cabdinaasir Cawke ayaa sheegay in haddii cudurka Qaaxada uu gaaro heerka labaad uu ka faafis badanyahay heerka bilowga ah,sidoo kalena il-ma-aragtada dhalisa ee bacteria ay dawooyinka adkeysi u yeelanayso.

Halkaan ka daawo Wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Cawke oo ka digay Qaaxada dawooyinka u adkeysata appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this