Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddo laami ah oo isku xiraysa xarumaha dowladda Puntland ee Garowe iyo qeybaha kale ee magaalada oo dhismaheeda la bilaabay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Cabdiqaadir Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa kormeeray wado laami ah oo isku xiri doonta Wasaaraddaha dawladda iyo Qaybaha kale ee Magaalada Garoowe oo ay shaqadeedu socoto

Shaqadaan oo si toos ah u bilaamatay ayaa waxaa socda dhigista Carada, iyadoo ay ka hawal galayaan shaqaale kala duwan oo aqoon durugsan uleh dhisida dhanka wadooyinka

Cabdiqaadir Siciid Carshe Dhaqaaje Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay samaynta wadadan in ay fududayn doonto isu socodka shaqooyinka dawladda.

Inta badan Wasaaraddaha dawladda Puntland ayaa ah kuwo ka hawal gala dhanka Buurta waxayna wadadani ahayd mid ay gaadiidku dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen adeegsigeeda.

29497838_2089000461334031_28481350872607 29541050_2089000968000647_44718998315424 29541171_2089000138000730_24293058583997 29543023_2089000744667336_65301160743036 29572285_2089000248000719_11733620615097 29597237_2089000581334019_69041490591962

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this