Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso)+Sawirro:-Culimada Bosaaso Oo kubaaqday in laga Qayb qaato dhismaha Masjidka Du-xij Ee Bosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudiga Culimaa,udiinka  Dhismaha Masjidka Du-xij ee Magaalada Bosaaso ayaa  wadaan dadaalo lagu dhisay laguna balaarinayo Masjidka Du-xij oo kuyaala bartamaha Magaalada Bosaso ee Xarunta ganacsiga Puntland .

Dismaha iyo balaarinta Masjidkan ayaa sababtay sida ay Culimadu ay sheegeen ciriiri ka jiray Masjidka iyo dhismihiisii oo duugoobay .

Culimada Magaalada  Bosaso ayaa shacabka Soomaaliyeed Meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxa ay ugu baaqeen in ay ka qayb qaatan dhismaha Masjidakani

Culima  ayaa shacabka  ku dhaqan magaalada Bosaaso waxa ay ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha masjidkani Du-xij  ee Bosaaso ,maadaama shacabka Bosaaso lagu yaqaano shacab Markasta ka qayb qaata meelaha uu khayrku uu kujiro sida Masaajida oo kale .

Hadaba goobtii ay ka socotay dhismaha Msjidka Culimadii ka Hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh daahir Awcabdi. Sheekh Axmed daahir, Sheekh Maxamed Macalin ,Sheekh Axmed Yuusuf Daad ,iyo Culimaa,udiin kale.

Halkan ka dhagayso.

      Culimada Masjidka

Halkan ka daawo Sawirro iyo Nabarada aad ku soo hajiinkarto Sadaqada aad ku dar sanayso Masjidka  .

vlcsnap-error563.png vlcsnap-error682.png vlcsnap-error790.png vlcsnap-error837.png vlcsnap-error872.png

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this