Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Imaaraatka oo sheegtay inay Somaliland ka difaacayso halis kasta oo kaga timaada heshiiska Berbera.

Recommended Posts

Deeq A.   

sss-1.jpg

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa haacisay in ay difaaci doonto maamulka Somaliland iyo danahooda dhaqaale ee dekeda Berbera, sidoo kalena ay diyaar u yihiin dhinacooda weerar kasta oo ka yimaada arrintaas, isla markaana aanu dagaalku ku koobnaan-doonin Somaliland oo kaliya.

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta, ahna Wasiirka Madaxtooyada dalkaasi Mr. Sheekh Maansoor Bin Zayed Al Nahyan ayaa sheegay in aanay Somaliland keli ku ahaan doonin halis kasta oo dibada kaga timaada, waxaanu si cad u iftiimiyay kaalinta ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka qaadan doonto haddii xaalad dagaal ka dhalato dannahooda “Haddii ay taasi dhacdo waanu difaaci doonaa, marnaba iska hor imaadku annaga uun naguma koobnaanayo,” ayuu yidhi Sheekh Maansoor Bin Zayed Al Nahyaan oo ay wakaalada wararka ee Bloomberg wax ka waydiisay mawqifkooda. Waxaanu caddeeyay in maamulka Somaliland iyo Imaaraadku iska kaashan doonaan sidii ay u wada ilaashan lahaayeen dannaha ay wadaagaan.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ay wakaalada wararka ee Bloomberg waraysi kula yeelatay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay heshiiska horumarinta dekeda Berbera iyo halista kaga iman karta khilaafka dawladda Soomaaliya waxaanu yidhi “Haddii ay Soomaaliya go’aansato inay na weerarto, arrinta dekeda daraadeed, markaas waxaannu xaq u leenahay in aanu difaacanno madax-bannaanidayada.”

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this