Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amaanka Koonfur Galbeed oo dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa soo sheegaya in Ciidamada amaanka ee maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ay dilayn Sarkaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in xalay Xaafadda Boqoleedyda ee magaalada Baydhabo ku dilayn Sarkaalkaan oo la sheegay in uu  ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Ciidanka Howlgalka sameeyay ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidamada NISA ee ka howlagala K/Galbeed waxaana Taliyaha lagu magacaabaa Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur”.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay ninkaan ka tirsanaa Shabaab in lagu dilay dagaalka, xilli dagaalyahanada Shabaab ay isku dayeen inay wadada u galaan gaadiid qaad siday.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa soo qaaday maydka ninkaan Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo hadda yaalla Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo, sida Suxufiyiinta ay soo sheegayaan.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsanaa oo dagaalka lagu dilay, balse maydka ay qaateen xubnihii Shabaabka ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this