Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Gobolka Bakool iyo Godobta uu ka galey Shariif Xasan Sh. Aadan

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobalka Bakool Waxaa Uu Ka Koobanyahay 5 Degmo Waxeyna Kala Yihiin.

  1. Xudur
  2. Waajid
  3. Rabdhuure
  4. Tiyeeglow
  5. Ceelbarde

5taas Degmo Maamulka Koonfur Galbeed Wuxuu Ka Maamula 2 Degmo Kaliya Waxeyna Kalayihiin

▪Xudur

▪Waajid

▪Degmada Ceelbarde Waxaa Laga Xukuma Kilirka 5aad.

▪Degmada Rabdhuure Waxaa Gacanta ku hayan xarakada Al-Shabaab.

Xaalada Guud Ee Gobalka Bakool Lama Qiyaasi Karo Lamana Saadaalinkaro Sababtuna Waa Wadooyinka Gobalka Oo Xiran.

Gobalka Bakool Wadooyinkiisa Waxey Xiranyihiin Ku Dhowaad 5sano Ilaa Iyo Hada Majirto Cid Wax Ka Qabatey Wadooyinka Xiran Ee Gobalka Bakool Hadii Uu Noqan Lahaa Maamulka Koonfur Galbeed Ama Hadii Ay Noqan Laheyd Dawlada Federalka Soomaaliya.

Gobalka Bakool Waxaa Ka Jira Xaalada Adag Oo Dhanka Nolasha Ah Dadka Xoola Dhaqatada Ah E Degan Gobalka  Xoolahooda Waxaa Dhacey Ciidamada Lyuu Booliska Ee Laga Xukumo L Kilinka 5aad.

Intii Ka Badbaadey Lyuu Booliska &  Waxaa Dhameysey Abaartii Siman Ee Dhamaan Soomaalidu Saameysey.

Shacabka Ku Nool Gobalka Bakool Intaasi Waxaa U Dheer Xarig & Dilalk Ay U Geysanayeen -Ciidanka Lyuu Booliska Ee Laga Xukumo Kilinka 5aad.

Shacabka Xoola Dhaqatada Ah Ee Ay Xireen Ciidanka Lyuu Booliska Ayaa Wali A ysan Jirin Cid Wax Ka Qabata Iska Dhaafe Cid Magacooda Sheegta.

Gobalka Bakool Siyaasiinta Kasoo Jeeda Waxaa Ay Noqdeen Kuwa Uu Ku Shaqeysto Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Dhibataada Kajirta Gobalka Ayaa Waxaa Masuul Ka Ah Maamulka Koonfur Galbeed Khaasatan Shariif Xassan Oo Gobalka Bakool & Shacabkiisaba Aan U Ogaleyn In Ay Horumar Gaaraan.

Shariif Xassan Ayaa Hada Bilaabey Inuu Gobalka Bakool Ka Iibsado Kilinka 5aad Dhowaan Wuxuu Tuulada Yeed Ka Gatey kilinka shanat.

Hada Wuxa uu Ku Mashquul sanyahay Inuu Deegaana Horleh Ka Gato Gobalka Bakool Taas Oo Uu Heshiis Kula Soo Galey Dawlada Ethiopia.

Shariif Xasan Wakhtigiisa Wuu Dhamaadey Waxaana Ka Harsan 6 Bilood Kaliya Kadibna Wuxuu Doonaya Inuu Isasoo Sharxo.

Su’aasha Isweydiinta Mudan Ayaa Ah Xildhibaanada Sharafta Lahoow Waxaan Lahadlayaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed Miyaad Madaxweyne U Dooran Doontaan Shariif Xasan 4ta Sano Ee Soo Socota Hadii Jawaabtaadu ”Haa”  Ay Tahay Miyaadan Ku Dhaaranin Kitaabka Qur’aanka Kariimka Ah Miyaadan Dalkan Waajib Kaa Saarneyn Inaad Ilaaliso Xuduudihiisa, Miyaadan U Fikireynin Caruurtaada Mustaqbalkooda Miyaadan Jecleyn Koonfur Galbeed In Ay Horumar Gaarto, Hadii Intaas Aan Kor Kusoo Xusey Aan Waajib Kaa Saarneyn Samey Waxaad Doonto Laakiin Ogow Maalin Ayaa Lagu Xisaabin Doona Adigana.

Xildhibaano: 6 Bilood Kadib Waxaa Gacantiina Kujira Ayaaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mahadsanidiin.

W/Q: Aadan Zeytuuni.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this