Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta xusaysa maalinta Qaaxada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa manta xusaysa maalinta Qaaxada dunida oo manta kale 24March caalamka oo idil laga xuso bulshadana lagu wacyi galiyo halista cudurka iyo ka hor tagiisa.

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland, Dr. Cabdinaasir Cuuke, agaasimaha guud ee wasaaradda, Dr, Cabdirisaaq Xirsi Xasan, Marwada madaxweynaha, Hodan Siciid Ciise iyo marti sharaf kala duwan oo ka socota hay’addaha caalamiga iyo dadweyne ayaa ka qeyb galay munaasabada lagu xusayay maalintaan caalamiga ah.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii loo ciribtiri lahaa cudurkaan, iyadoo hirgalisay isbitaalo iyo xarumo caafimaad oo ay dadku si bilaash ah uga qaadankaraan dawada cudurkaan, Waxaana Daawada Tiibiida la gaarsiiyay degmooyinka fog.

Mashruuca xakamaynta cudurka Qaaxada ee dowladda Puntland ayaa soo bandhigay, daraasad la sameeyey sanadkii 2016, taasoo lagu ogaaday in cururkani uu ku dhacay 10 milyan iyo 4 boqol. Halka ay u u dhinteen dad gaaraya 1milyan iyo 7 boqol  kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen 4 boqol oo kun oo qabay cudurka AIDS-ka in ka badan 95%.

Mashruuca xakamaynta Qaaxada wuxuu sheegay dhimashada ugu badan ee cudurka qaaxadu inay ka dhacdo wadamada soo koraya. Tiro lagu qiyaasay 1milyan oo caruur ah ayaa u bukootay cudurka Qaaxada sanadkii 2016 , waxaana u dhintay 250 kun oo caruur ah oo ay Ku jiraan kuwo qabey cudurka AIDS-ka.

Sannadkii lasoo dhaafay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe ka dhagax-dhigay Shaybaar cusub oo loogu talo-galay baaritaanka ” Dadka la nool Cudurka qaaxada heerka adkaysiga u yeeshay dawooyinka.

29511198_2045633812424190_38786441161605

29512234_1809482959121947_13782791688165 29512658_1809482732455303_40315611125490 29497484_1809482855788624_45164942363935 29512234_1809482959121947_13782791688165

Puntlandi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this