Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga xalinta khilaafka barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray go’aano lagu wajahayo mooshinka guddoomiye Jawaari.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida xalinta khilaafka barlamaanka Soomaaliya, ayaa soo saaray go’aano lagu wajahayo lagu soo afjari karo xaaladda taagan  ee sababtay in golaha shacabka Soomaaliya uu muddo xidhnaado isla markaana ciidamo ay la wareegaan ka dib markii mooshin laga keenay Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Jawaari.

Guddigaan oo ka kooban xildhibaano aqalka hoose ah  ayaa go’aanadooda waxaa kamid ah, inay xukuumadu faraha kala baxdo arrinta golaha shacabka isla markaana ay  shaqadeeda ku ekaato xarunta golahana ka qaado ciidanka la wareegay.

Halkaan hoose ka akhriso.

1.In si sharci ah oo xasiloon loogu furo golaha shacabka si uu waajibaadkiisa shaqo u gudan karo

2.In si deg deg ah loogu soo celiyo ciidamadii hore u joogay xarunta golaha lagana qaado kuwa cusub ee loo soo badalay

3.In laysla go’aamiyo goobta fadhiga lagu qabanayo iyo maalinta loo codaynayo mooshinkan si waafaqsan xeer hoosaadka baarlamaanka kaas oo dhigaya in la qabto codaynta toban cisho gudahood iyada oo laga soo bilaabayo maalintii la qabtay mooshinka.

4.In dastuurka ku meel gaadhka ah ee dalka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka loo wada hogaansamo lana ixtiraamo qodobada qeexaya hanaanka loo maaraynayo arimaha la xidhiidha mooshinka

5.Inaan la curyaamin hawlihii ay xukuumadu u haysay dalka dibna ugu noqoto hay’adda fulintu shaqadii loo igmaday, kana digtoonaadan dayacaad loo gaysto hawlihii loo igmaday.

6.In laga fogaado adeegsiga hantida iyo ku tagri falka awooda hay’addaha qaranka lana dhawro sumcada dawlada iyo hantida umada.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this