Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ka Taagan halka lagu qabanayo Kulan Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaari

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Khilaaf uu ka taganyahay halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada oo u kala qeeybsan kuwa taageersan Mooshinka Jawaari iyo kuwa ka soo horjeedo ayaa isku fahmi la halka lagu qabayo kulanka Baarlamaanka.

Xildhibaanada wada mooshinka ayaa u xusul duubayo in kulanka Baarlamaanka lagu qabayo xarunta golaha shacabka Muqdisho.

Xildhibaanada ka soo horjeedo Mooshinka ayaa iyana doonaya in aan fadhiga Baarlamaanka lagu qaban Xarunta Golaha shacabka.

Gudoomiye Jawaari ayaa horay u codsaday in kulanka Baarlamaanka lagu qabto xaruntii lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaana uu ku eedeeyay in xukuumada ay ciidamo dul dhigtay Xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.

si rasmi ah looma oga xiliga uu dhacayo kulanka Baarlamaanka ee codka loogu qaadayo Gudoomiye Jawaari.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Khilaaf ka Taagan halka lagu qabanayo Kulan Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this