Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay shir ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanadaan uu la kulmay waxa ay u badnaayeen Wasiiro katirsan Xukuumada Ra’isilwasaare Kheyre kana mid ah Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa dhageeystay qaabka iyo sababaha ay u soo gudbiyeen Mooshinka Gudoomiye Jawaari.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xildhibaanadaan in ay ilaaliyaan dastuurka dalka u yaala iyo xasiloonida siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa u sheegay xildhibaanada in uu isaga dhex dhexaadinayo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Baarlamaanka iyo Xukuumada.

Qaar kamid ah xildhibaanada kulankaasi ka qeeybgalay ayaa u sheegay Puntland Post in madaxweynaha xildhibaanadaasi uu ka codsaday in la dajiyo khilaafka siyaasadeed ee ka jirta Baarlamaanka iyo Xukuumada.

Mooshin wada yaasha Gudoomiye Jawaari ayaa u badan wasiiro katirsan xukuumada kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye Jawaari ayaa aqbalay Mooshinkaasi isaga oo codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badana cod loogu qaado.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this