Deeq A.

XALIIMO YAREEY: Nation-wide elections are coming in 2020 and we plan to spend 129 million dollars on that

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye_Xaliimo_yarey.jpg?resize=823%Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashada Qaranka ee Somalia, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa ka hadashay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020-ka, iyadoo sheegtay inay aad ugu kalsoon yihiin ka guddi ahaan shaqada ay qabteen.

Xaliimo yarey ayaa tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.

Sidoo kale, iyadoo u warramaysay VOA-da ayay tilmaantay in dhaqaalo dhan 129-milyan oo doollar ay ku bixi doonto qabashada doorashada lagu wado in ay dalka ka qabsoonto sannadkan 2020-ka.

Dhanka kale, Guddoomiye Xaliimo yarey ayaa xustay inay doorashada dalka ka dhacaysa ay noon doonto Qof iyo Cod, iyadoo intaas ku dartay in habka ay doorashada soo soota u qabsoomayso lagu qeexi doono shirka Baydhabo ka dhici doona 28-ka bishan.

“Go’aanka nidaamka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta waxaa isla leh madaxda Qaranka,” ayay hadalkeeda ku dartay Xaliimo Yarey oo xustay inay filayso in doorashada 2020-ka ay noqon doonto mid xalaal ah oo wax muran ah uusan ka imaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa wareysigeeda ku sheegtay in ay ka qayb-qaadan doonto doorashada cid kasta oo Soomaali ah oo buuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada 2020-ka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahan kulammo wada-tashiyo ah la lahaa Soomaalida Qurbo-joogta ah.

PUNTLAND POST

The post XALIIMO YAREEY: Nooc doorasho ee dalka ka dhici doonta 2020-ka waxaan go’aan ka… appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow qof weyn oo carur leh yareey lama oran karo. 129 mil is lacag badan. where they going to get that money?

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am assuming she means one man, one vote type of election. That's unrealistic expectation considering the insecurity, lack of political movement, foreign interference and sabotage by Somalis themselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.