Sign in to follow this  
Deeq A.

Pictures: Kenya speeds up the construction of the border wall

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheere (Caasimada Online)- Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa saaka lagu arkay xuduuda Soomaaliya ay kala wadaagto dhanka magaalada Balad Xaawo, ee gobolka Gedo. Qaar kamid ah shacabka Balada Xaawo oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in derbiga dib loo billaabey dhisamaha derbiga, kaasi oo Kenya ay marsiinayso gudaha degmadaasi, iyadoo arintaasina ay ka dhalatay xiisad colaadeed.

Horaantii sanadkan ayaa shacabka iyo maamulka degmada Balad Xaawo kahor tagey dhisamaha derbiga ee laga dhisayo gudaga magaalada, waxaana dhacay iska hor-imaad dhex maray shacab carasan iyo Ciidamada Kenya. Kulan ay dhawaan yeesheen mas’uuliyiinyta maamulka degmada Balad Xaawo iyo kan Mandheera ayaa fashilmay iyadoo la xiray xuduuda ay labadaasi magaalo wadaagaan oo isaga kala gudbi jiray ganacsiga iyo waxbarashada.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inay derbi dheer oo 700KM gaaraya ay ka dhisayso xuduuda Soomaaliya kala wadaagto dhanka gobolka Waqooyiga bari, si ay uga hortagto weerarada Al Shabaab, islamarkaana ku ilaaliso amaankeeda. Mas’uuliyiin iyo Wasiirro katirsana dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore booqday goobta laga dhisayo derbiga, kuwaasi oo shacabka warbixin ka siinin wali waxyaabihii ay kusoo arkeen xuduuda.

Screen-Shot-2018-03-23-at-01.12.11.png?r

Screen-Shot-2018-03-23-at-01.12.34.png?r

kenya-derbi-xuduud-1.jpg?resize=696%2C38

Screen-Shot-2018-03-23-at-01.12.02.png?r   

Screen-Shot-2018-03-23-at-01.13.05.png?r

Screen-Shot-2018-03-23-at-01.13.18.png?r

Screen-Shot-2018-03-23-at-01.15.10.png?r

Screen-Shot-2018-03-23-at-01.16.30.png?r

Screen-Shot-2018-03-23-at-01.16.51.png?r

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this