Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlado kasoo horjeeda xasiloonida Somalia oo war kasoo saaray Ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraalo kasoo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa looga hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Qoraalada kasoo kala baxay Wasaaradaha labada dal ayaa waxaa lagu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Hoteel Wehliye oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid aafeeyay dad shacab ah, waxaana lagu dalbaday in gacan lagu soo dhigo dadka ka danbeeyay Gaariga Qarxay.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay dhagarqabe ka tirsanaa al-Shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaasi oo uu ku dilay dad ku dhow 20 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, waxayna Sacuudiga iyo Imaaraadka sheegen inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Geesta kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna Shabaabku sheegeen in ay beegsadeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this