Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Ismiidaamintii ka dhacday Hoteel Wehliye oo cirka isku sii shareertay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa kordhay dhimashada ka dhalatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen laamaha amaanka dowlada iyo qaar ka mid ah Isbitaaladii la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, waxaa kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Ismiidaamiye ka tirsanaa Al-shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Qaraxa ayaa halkaasi ku dilay dad ku dhow 22 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay, warar kale oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkan loo adeegsaday Gaari Saruf qalin ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo u badnaa dhalinyaro Mooto Bajaaj ku shaqeysaneysay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo, ehehlada dadkaasi ayaa tan iyo xalay ku sii qul qulayay Isbitaalada, si u booqdaan dadka ka dhaawacmay.

Qaar ka mid ah magacyada iyo Sawirrada dadkii qaraxaas ku dhintay oo u badnaa dhalinyaro ayaa la helay kuwaas oo eheladooda iyo saaxibadooda ay shaaciyeen.

Dhinaca kale, dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaa qudhooda u muuqda kuwo ku jahwareersan Qaraxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this