Sign in to follow this  
Deeq A.

Poisoning becomes a new weapon in Mogadishu

Recommended Posts

Deeq A.   

Caasimada ayaa wajaheysa tijaabada dhibaatooyin horleh, kadib dhacdo 9 haween ah ay ku wax yeeloobeen oo Shalay ka dhacday dagmada Cabdicasiis.

Sumeys

Dhallinyaro sun lagu duray oo walaacsan, qoys daawo ay cabeen ku sumoobay oo intii badneyd ay dhinteen iyo tiro haween ah oo nadiifinaayay caasimada oo sun lagu buufiyay darteed isbitaalo u jiifa ayey noqotay hadal heynta dadka reer Muqdisho.

Ilaa hada lama yaqaano meesha ay waxani ka socdaan iyo sababta midna, waase dhibkii hore oo dhib cusub lagu daray.

Waa kala shakin bulsho oo horleh iyo inaad iska ilaaliso cid walba oo kusoo dhowaata.Dadka qaar waxey ku tilmaameen iney jiraan cuduro la faafinaayo.

Dhaqaatiirta

Dhaqaatiirta Muqdisho ilaa hada ma sheegin waxa ay tahay umuurtan soo korartay, dhaqaatiirta Muqdisho waxaa lagu eedeeya iney yihiin kuwa dhiig miirad ah oo aan marnaba daraaseyn cudurada kusoo kordha bulshada kana digin, waxey garanayan uun sida masaakiinta lacagta looga furto.

Wasaarada caafimaadka

Sidii uu u dilaacay mooshinka Jawaari badi ma shaqeeyaan wasiiradeennu waxana mid walba loo diray inuu raadiyo xildhibaanada beeshiisa, suurta gal ma tahay in wasiirada Caafimaadku aaney ogeyn bulshada Muqdisho ee la sumeynaayo ?, jawaabtu waa 50-50.

Duqa magaalada

Duqa magaalada Muqdisho ayaa maalmahan lagu xantaa inuu xafiiskiisa usoo raray Hotel SYL isaga iyo kuxigeenkiisa Maaliyada ,waxaa la sheegaya in loo xilsaaray qeybinta lacagaha mooshinka ka dhanka ah gudoomiye Jawaari.

Waa suurt gal inuu Eng Yariisow maqlay dhacdooyinka xanuunka leh ee Muqdisho madaama uu aad u isticmaalo baraha bulshada laakiin ilaa hada waxba kama uusan qaban, lacagaha mooshinka loo isticmaalayo dadkii laga qaaday waa sumoobeen mana helin cid xabad kaniini ah u iibisa.

Qoys uu gurigooda dab ka kacay oo dad badani ay ka dhinteen, qoys daawo ku sumoobay oo dhowr qof ay ka dhinteen iyo wiilal bajaajley ah oo sun lagu duray isbitaalo u jiifa ama shaqaalihii nadaafada gobalka Banaadir ee Shalay la sumeeyay wax weyn uma arko duqa caasimada.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

Raafac22@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this