Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre” Laamaha Amniga Waa in ay Warbixin deg deg ah ay ka keenaan Sidii uu Qaraxa uu ku Soo dhaafay Baraha ay Ciidamada Gaadiidka ku baaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa  laamaha Amniga ee Magaalada Muqdisho waxa uu si deg deg ah ugu Amray in ay jawaab cad ay ka keenaan sidii uu ku dhacay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab shalay ay ka fuliyeen Hotel Weheliye ee Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan oo shacab ah .

 

Ra’iisul Wasaare khayre ayaa Yiri “Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya ayaa Eheladii iyo qaraabii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaa wacmay Qaraxii Muqdisho waxa uu Alle uga baryay in intii dhimatay uu unaxariisto kuwii dhaawacmayna uu Alle ubooga dhayo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this