Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Garyaqaankii Guud Ee Puntland Oo Garoowe ku Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha unaxariistee waxaa xalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ku geeriyooday  Garyaqaankii guud ee Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil.

 

Garyaqaan Maxamed ayaa mudooyinkii udambeeyay ku xanuunsanaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe halkaas oo xaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay.

 

Geerida Garyaan Maxamed Muse ayaa waxaa ka tacsiyeeyay oo aad uga naxay dadbadan oo isgu jira Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Xildhibaano iyo Xubno katirsan  golaha wasiirada ee Puntland .

Garyaqaanka ayaa ahaa  shaqsi habdhaqan iyo  dabeecad wanagasan lahaa.

Dhamaan bahda Warbaahinta Puntlandi.com  waxa ay sidiikale dhankooda ay Tacsi udirayaan  Ehelada iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum  Garyaqaan  Maxamed Muuse Ismaciil .

 

Inaalilaahi wainaa ileehi Raajicoon kula Nafsin daaiqatul mowt.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this