Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso ) +Sawirro Bosaaso:- Ganacsade lagu eedeeyay in uu taageero dhaqaale siiyo kooxda Daacish Oo iska Fogeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sagaalkii bishii Febraayo ayey ahayd markii waaxda la socodka lacagaha ee dalka Mareykanka ay xayiraad ku soo rogeen ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Puntland, kuwaasi oo dowladda Mareykanka ku sheegeen in ay taageero siiyaan maleeshiyada Daacish.

Ganasatadaasi waxaa ka mid ahaa milkiilaha shirkadda Al-Mutafaq Maxamad Mire oo ku magac dheer Soodareeri.

Hadabada waxaa magaaladda Bosaso lagu qabtay kulan looga soo horjeedo eedeemaha lagu soo oogay ganacsatada, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, waxgarad, Nabadoono, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Aqoonyahano.

Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Gudoomiyaha Gobolka bari oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin sabab muwaadin Soomaaliyeed oo dambi lahayn loogu tilmaamo in uu xiriir la leeyahay koox Argagixiso ah , waxa uu sheegay Gudoomiye dhado in dowladda Puntland kaalintii kaga aadanayd ay ka qabatay arintan qoraalna ay ugudbiyeen waaxda lasocdka lacagaha ee dalka Maraykanka oo eedeantaasi soo jeedisay .

Siyaasiyiintii mkulankan ka soo qayb gashay iyo ganacasatada Gobolka bari ayaa si iskumid ah arintan uga soo horjeestay waxayna ay sheegeen in hadalka ka soobaxay Maraykanka uu gaf kuyahay ganacsatada Puntland iyo Soomaaliyaba .

Halkan ka dhagayso Codadka Mas,uuliyiinta ka hadashay kulankan .

      Gudoomiyaha iyo Ganacsatada

Sawirro.

43e490a1-0399-4289-9394-e7a8af0467b4.jpg 92e8ee03-731d-4165-9cc8-7c222f456565.jpg 47648f05-4e6f-4aaf-90a4-7ca4a4d67da0.jpg c0870120-4651-4911-84b5-058c91c8cdd5.jpg f36f6696-eeaa-432c-a1d0-6d88f62bd8f4.jpg fa778b40-01f0-4526-adc7-f26059d42505.jpg fa778b40-01f0-4526-adc7-f26059d42505-1.j ganacsato-1.jpg ganacsato-1.png ganacsato-3.jpg ganacsato-4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this