Deeq A.

Daawo Sawiro hordhac ah oo laga helay Qaraxa Muqdisho ka dhacay iyo burbur xoog leh oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxa oo Jugtiisa laga Maqlay qeybo badan oo Kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay Ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdihso, Waxaana jira Khasaare isugu jira dhiamsho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka Shacab ah oo isugu jira Kuwo ka shaaheynayay Maqaaxi ka soo horjeeda Hoteelka, Kuwo wadada ku lugeynayay iyo dad Mootooyin Bajaaj ah watay.

Qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari,waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Gariga ay eryanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse markii uu marayay kas oo horjeedka hotelka wehliya uu qarxay.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay,waxana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan kuwa Ganacsi ku leh Goobta uu qaarxa ka dhacay iyo kuwa saarnaa Gawaarida nooxa raaxada iyo kuwa dadweynaha Bii’elka loo yaqaano kuwaas oo Wadada isticmaalayay.

 Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli wadada aheyd mid mashquul ah oo ay gaadiid kala duwan marayeen.

Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance ayaa soo sheegaya inay arkeen dhimashada Sideed ruux, halka dhaawaca afar kalena ka qaadeen goobta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in khasaaraha intaas ka badna, maadaama xilli hore ay tahay.

 

5-51.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 4-68.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 3-80.jpg?resize=650%2C365&ssl=1 6-40.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 29541315_1629199613801983_20514357753958 29511163_1629199677135310_60882522324137 qarax-hotel-wehliye-696x392-1.jpg?resize

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

waxay ubaahanyihiin siistam cusub oo baabuurta lagu ragistergareeyo. xitaa lama yaqaano cid gaadhiga iska leh. lacag bay xitaa kasamayn lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

As Galbeedi said, the anarchists and terrorists who want to hold the country hostage must be dealt with firmly. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.