Sign in to follow this  
Deeq A.

Cristiano Ronaldo oo si adag u cambaareeyay duqaymaha Sria ka socda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciyaaryahanka caanka ah ahna laacibka aduunka, Cristiano Ronaldo ayaa si adag u cambaareeyay duqaynta dowladda Sria iyo xulafadeedu ku garaacayaan goobaha mucaaradku haystaan ee dalka Sria, halkaas oo lagu dilay in ka badan 400,000 shacab ah.

Ronaldo ayaa baraha bulshada ku diray farriin qiiro xambaarsan oo uu ku kula hadlayay shacabka ku nool magaalada Ghouta oo kutaala daanta Bari ee caasimadda Dimishiq.

“”Ha debcinina, iimaankiina adkeeya, marna ha quusaninia.” ayuu bartiisa wtitterka kusoo qoray Cristiano Ronaldo.

“Tani waa farriin ku socota Carruurta Syria, “Waan ognahay in aad dhibaataysan tihiin, waxaan ahay ciyaaryahan caan ah, adinkana waxaad tihiin geesiyaasha dhabta ah, ha luminina rajadiina, aduunkuna waa kula jiraa, waan idin daryeeleynaa, waan idinla jiraa.”ayuu yidhi Ronaldo.

Ciyaaryahankaan reer Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale faafiyay muuqaal kasoo baxay hay’adda Save Children oo ka hadlayay xaalada carruurta bariga Ghouta.

Kadib todobo sano dagaalka Sria, waxaa la qiyaasay in 10 milyan oo carruur ah ay u baahan yihiin gargaar caawinaad ah oo degdeg ah.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this