Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo maanta la filayo inay shaaciso mowqifkeeda iyo Masiirka shacbigeeda ee ku aadan go’aankii laga qaatay shirkada DP-World.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay shaaciso mowqifkeeda ku aadan Go’aankii ay labada Gole ee Barlamaanka Federaalka dalka kaga mamnuuceen shirkada DP-world iyo heshiisyada ay kula wareegtay dekeda Berbera iyo Bosaso.

Guddi wasiirro oo ay dowladdu 20-kii bishaan u saartay arrintaan, ayaa maanta lagu wadaa inay shirka golaha wasiiradda horgeeyeen talo bixintooda ku aadan mowqifka ay dowladdu ka qaadan karto go’aanada dowladda federalka.

Xubnaha guddigaan oo muddo labo maalin ah ku shirayay xarunta madaxtooyada ayaysan warbaahintu wax faahfaahin ah ka helin qodobada horyaalay ee ay ka doodayen, waxaase maanta lagu wadaa in warbaahinta loo yeero ama war qoraal ah dowladdu soo saarto.

Waqti xaadirkaan wafdi Puntland ka socda ayaa haatan ku sugan dalka Imaaraatka, iyagoo halkaas u tagay dhameystirka heshiiska dekeda Bosaso ay kula wareegtay shirkada DP World.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this