Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay dagaalka culus ee galabta dhexmaray Ciidamada Kenya & al-Shabaab (Khasaaraha)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo maanta dhexmaray ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa waxa uu gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Gobolka Gedo, gaar ahaan ahaan degaanka Xirsi-guur oo 45-KM ujira Degmada Ceel-Waaq.

Dagaalka ayaa si gaara ugu dhexeeyay ciidamada la dagaalanka Argagixisada Kenya iyo al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in dagaalkaasi Shabaab looga dilay 6  Maleeshiyo.

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ciidamada Kenya looga dilay 4 Askari oo Kenyaan ah kuwaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay dagaalka.

Sidoo kale, warar madax banaan ayaa sheegaya kahor inta aanu dhicin dagaalka Diyaarad gaar ah oo ay leedahay Dowladda Kenya in howlo Sahmin ah ay ka sameysay degaanka oo la sheegay iney isku uruursanayeen Shabaab, intaasi kadib ayay Ciidanka Kenya qaadeen weerar.

Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Kenya ee dagaalka la galay al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ka gaareen guul, isla markaana kusoo furteen Hub.

Dhinaca kale, maamulka Gedo ayaan weli ka hadal khasaaraha iyo sida uu u dhacay dagaalka, waxa uuna dagaalkani kusoo aadayaa xili ay maleeshiyada al-Shabaab dhaqdhaqaaqyo kawadaan Gobolka Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this