Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 27, 2008 Waxaa inoo suuragashay inaan wareysi la yeelano fanaanadii caanka ahayd ee Khadiijo Cabdullaahi “Daleys”. Wareysigan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa wuxuu u dhacay sidatan: Busuri [Wariyaha]: Wax ma nooga sheegi kartaa sidii aad ku bilowday fanka? Daleys : Fankee?!! Ileen Soomaalida isma taqaan. Busuriyoow, adiga aqoon fiican ma ii leedahay horta? Busuri : Kol haddii aad ahayd fanaanad caan ah, waxaan filayaa in Soomaalida oo dhan ay ku wada yaqaniin. Gaar ahaan kuwa xiseeya fanka oo aan aniga ka midka ahay. Daleys : May, may, anigu waxaan ahaa dhaqtar caan ah oo la yaqaan. Busuri : Halkeed ka shaqeyn jirtay? Maxaadse ku taqasustay? Daleys : Waxaan ka shaqeyn jiray oo aan madax ka ahaa Isbitaalka Madiino. Waxaanna ku taqasusay qaliinka gaar ahaan baawasiirka (hemorrhoids). Busuri : Runtii aniga sidaa wax uma maqal oo dhankaa kuuma aqoon. Daleys : Sidan ku sheegay Soomaalida isma taqaan. Dhaqtarnimada ka sokow waxaan lahaa Hoteel Jubba oo doolar baan ka qaadan jiray. Diyaaradda Soomaali Airlines iyadana qeyb baan ku lahaa. Busuri : Hadder weli maku shaqeysaa dhaqtarnimada, oo halkan Toronto maku qashaa baawasiirka? Daleys : Markii ay Soomaaliya nabad noqoto ayaan rabaa inaan halkii ka sii wato dhaqtarnimada, waxaan ku noqon donaa isbitaalkii aan madaxda ka ahaa. Waxaa kale oo aan doonayaa in leey soo celiyo Hoteel Jubba iyo Soomaali Airlines oo leeyga bililiqeystay. -------------- Cadadka soo socda ayay Daleys kaga jawaabi doontaa su’aalo ay dad badan isweydinayaan oo kala ah: Gormeey Daleys noqotay dhaqtar, Hoteel Jubba iyo Soomaali Arilines sow dowladda ma lahayn, Daleys maxay ahayd markii ay fanka ku soo birayeen Xasan Aadan Samatar, C/qaadir Jubba, Khadiijo Tooxoow iyo Sahro Dawo. Waa kuma gabadhii ugu horeysay ee Radio Muqdisho ka heesta? Ma runbaa in Daleys ay ahayd fanaaanadii ugu horeysay ee Bandhig (show) keligeed dhigtay iyadoo weliba qaaday 21 hees? Su’aalahaan iyo qaar kale oo aad u xiiso badan ayay Maama Daleys jawaabtooda inoo haysaa. Haddaba la soco cadadka soo socda ee Soomaali Canadian Times Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted May 28, 2008 LOOOOOL@Waxaanna ku taqasusay qaliinka gaar ahaan baawasiirka... She is a true living legend!!! Big ups to Habaryar Daleys... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted May 28, 2008 lool waraa sheeeeeeeeemo waaxid.. Daleys saas mardanbe ha u ceyn cunug yahoo Tim Hortanska seexda!!! Wareer Badanaa!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coloow Posted May 28, 2008 Ani libe la foofe! I like the grand old lady of "Jazz" and Blues- somali style I met her a few years back and she is still rocking and rolling tills the break of dawn. "sidan kuu sheegay soomaliddu ismataqaano" Classic somali expression. The doktoreesa is better than many "real doctors". She can at least cure some people through her foox ( there was this vintage clip where she was a witchdoctor). Is her brother, warsame indhool still alive? You know that blind minister in Afweyne's government. I recall that when he was a minister of agriculture (the guy was very competent, educated in Russia (with a russian wife), he toured the fanoole schemes; and the reporter who was covering his trip was afraid of the repurcassions and reported; Mudane Warsame wuxuu soo indhidheeyey- aan iraahdo soo dhegedhegeeyo masruuca faanole: Classic Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted May 28, 2008 ^ [Ani luun dhabaayee, Abuurshe lahaaye]. I sow the seeds, and I own the produce). is that the right translation? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted May 28, 2008 Warsame Indhole was never be a minister of any goverment ( he was the head of Somali Labor Union). I met him in Minneapolis couple years back, he is one of the smartest poeple I have ever met. If you enjoy poetry and Taarikh, he is your guy. back to the topic, I dont know much about Dalays' songs but I like this one: maan gaabka taladiisu waa maqane joogee waanada ma qaatoo wuu mala maleeyaa haday bixidu maqantah midigtuba miciin ma leh waa labo mataanoo hawsha maamulaayee. Muriqiina maaloo, dhulka miro ku beeroo macdanta, dahabka muujiya wanaagaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coloow Posted May 28, 2008 Ducaysane, Are you sure? Maybe you are right- but he was definately a top figure (he was a student of Marx/Lenin- and was very good at his job. I have never met him, but I certainly admired the guy because it takes stamina, wits to be something when you are blind. Abtigiisa iyo tolkiisa, Those are big words for me too even though I consider myself luqad kaste waan daadshe guy. That song was probably written by Sahal Macallin Ciise. This particular song refers to the environment, millet farming, the semi-arid (adabla), proud people and contains some rap! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 29, 2008 Ani libe la foofe! I like the grand old lady of "Jazz" and Blues- somali style Ani luun dhabaayee Abuurshee lahaayee Ani libee la foofee What a classic hees. ka fiirso iyada oo waliba la heesaayaan Xasan Aadan Samatar iyo Baxsan. Very, very classic. ______________ lool waraa sheeeeeeeeemo waaxid.. Daleys saas mardanbe ha u ceyn cunug yahoo Tim Hortanska seexda!!! Kuunto cambuulo, xaa sheegoysaa? Tim Hortons mala dhaco labadaan beri adiga camal dadka ah loogu tagay nooh; hadda meel aadan maqlin Caffe Demetre la dhaho aan dhigtaa go'eyga. Bar iskeerso. Quote Share this post Link to post Share on other sites