Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Ciidamada Amniga Ee Gobolka Nugaal Oo Xabsiga dhigay dhalinyaro Xiliyada Habeenkiiya Magaalada ka sameen jiray Falal lidi ku ah Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amniga ee Gobolka Nugaal  ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa Howlgalo ay kasameeyeen Xaafadaha Magaalada waxa ay ku soo qab qabteen dhalinyaro xiliyada habeenkiiya dadka Mobilada ka furta mararka qaarna kudila.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galangoolli oo Warbaahinta kulahadlay Magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in Howlgalkaasi ay ku soo qab qabteen dhalinyaradasi  shacabka dhibaatada ku hayay , waxa uu sheegay in qaarkood markii lawaayay oo ay baxsadeen  Ciidamadu ay soo xireen Waalidiintii dhalay si ay ukeenaan dhalinyaradaasi falalka noocaas ah ku kacaysa.

Taliyaha ayaa waxa uu kahadlay sidookale Gabar yar oo habeen ka hor kufsi wadareed loogu gaystay Toga wayn ee dhexmara Magaalada garoowe , wuxuuna sheegay Taliyaha in gabadhaasi laga kaxaystay Xafadii ay daganayd , waxa uu sheegay in qaar kamid ah ragii falkaasi sameeyay ay Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.

Taliyaha ayaa Walidiinta dhashay dhalinyaradaasi dhaca , dilka iyo kufsigaba ka gaysanaysa Magaalada Garoowe ugu baaqay in ay ubadkooda ogaadaan .

 

Halkan ka dhagayso shirkiisa Jaraaid.

      Taliyaha Qaybta Garoowe

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this