Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Booliiska Nugaal oo ciidamo dheeri ah u dalbaday sugidda amniga gobolka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Galangool.png?resize=1000%2C578

Taliska Qeybta Booliiska gobolka Nugaal ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay hawlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Garoowe ee caasumadda dowladda Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal,G/Sare. Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan sugidda amniga caasumadda Puntland,gaar ahaanna dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee habeenkii dhaca geysta iyo sidoo kale muranka ku salaysan bogcadaha la cabbirto ee magaalada daafaheeda.

Gaashaaanle Sare.Faarax Galangoolli ayaa sheegay in hawgallo ay Boooliisku ka sameeyeen magaalada Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro badan oo dhibaato ku hayey amniga magaalada,kuwaasoo qaarkood ay kufsi-wadareed u geysteen gabar da’yar,halka qaar kalena ay dhac iyo fowdo ka wadeen xaafadaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in la soo xiray waalidiinta dhalay dhalinyarada kufsi -wadareed geystay,isagoo digniin adag u diray waalidiinta kale ee carruurtooda ku garab-siiya dhibaateynta amniga iyo dhaca dadweynaha.

Taliye Galangoolli ayaa dhinaca kale shaaciyay in Booliiska Nugaal uu dalbaday ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Birmadka,kuwaasoo ka imaanaya gobolka Bari,islamarkaana lagu caawinayo Booliska gobolka Nugaal,si ay xoog ugu muquuniyaan kooxo caadaysatay in ay dhacaan bogcadaha dhulka ee ku yaalla daafaha magaalada caasumadda ah ee Garoowe.Kooxahan ayuu sheegay in ay u abaabulanyihiin qabaa’il ahaan iyo ururro-diimeedyo.

Gaashaaanle Sare.Faarax Galangoolli ayaa ugu dambeyntii ka hadlay bacaha madoow ee lagu dhejiyo muraayadaha gawaarida,wuxuuna sheegay in ganaax-lacageed la saarayo gaadiidkii lagu qabto bacaha madoow,si loo adkeeyo amniga magaalada.

Dadweynaha ayaa dhankooda ka ra’yi dhiibtay,sida ugu macquulsan ee lagu sugi karo amniga caasumadda Garoowe,gaar ahaanna wax ka qabashada arrimaha hadda taagan.

Halkaan ka daawo  shirka jaraa’id iyo dadweynaha.

PUNTLAND POST

The post Daawo: Booliiska Nugaal oo ciidamo dheeri ah u dalbaday sugidda amniga gobolka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this