Sign in to follow this  
Deeq A.

DHEGEYSO: Maamulka Ahlusunna oo baaq u diray Baarlamaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Moqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal, Guddoomiye Ku-xigeenka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Koonfureed ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay xal u helaan Khilaafka hareeyey Golaha Shacabka.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal oo la hadlay Raadiyaha Shabeelle ayaa aaminsan in khilaafka labada dhinac u kala jebiyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu rajo xumo ku ridayo Umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal wuxuu yiri: “Waad ogtihiin dalka badbaado ayuu rabaa, wuxuuna uga baahan yahay Baarlamaanka. Shacbiga Soomaaliyeedna adinka ayey idin eeganayaan.

“Marka khilaafka hadda taagan waa mid nasiib darro ah, shacbiguna dowladda ayuu ka wardhowrayey. Maantana waxay ku habbooneyd in bedelkii la isqab-qabsan lahaa dalka la xoreeyo lana midoobo”.

Halkaan hoose ka dhegeyso baaqa Alhusunna.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/03/Ahlusunna-Oo-Baaq-u-dirtay-Xildhibaanada-BFS-—-Shabelle.mp3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this