Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Mareykanka oo duqeyn uu ka fuliyay Shabeellaha Hoose ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Mubaarak (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamadda Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in uu fuliyay Howlgal uu ku caawinayo Ciidamada Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya kaas oo laga sameeyay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya waxay fuliyeen Duqayn ka dhan ah Al-shabaab Subaxnimadii 19 kii March oo ahayd Isniintii lasoo dhaafay waxayna ka fuliyeen Meel u dhow Deeganka Mubaarak,waxaana halkaas ku dhintay Labo Dagaalame, Sadax kale waa ay ku dhaawacmeen, sida lgu Daabacay Barta uu Internet-ka ku leeyahay Howlgala AFRICOM.

War saxaafadeedka ka soo baxday Taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Shabaab, saddex kalena lagu dhaawacay, iyadoo lagu burburiyay gaadiidkii ay wateen.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Duqayntooda ay ku burburiyeen Gari ay Wateen Dagaalamayaashii ay beegsadeyn.

Ciidamadda Mareykanka waa ay sii wadi doonaan tilaabo kasta oo loo ogolyahay kuna haboon ilaalinta Muwaadiniinta Mareykanka iyo burburinta Qatarta Argagixisadda ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Taliska Qaarada Africa uu Mareykanka ku leeyihiin.

Dowladda Mareykanka waxay kordhisay Duqaynta ay ka fulineyso Soomaaliya waxayna Duqaymaheeda Badanaa lala beegsadaa Al-shabaaab, waxaa jiray Duqamo Dhif ah oo Mareykanka uu la beegsaday Daacishta ka Dagaalama Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo argagixisada, kaasoo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, sida lagu yiri war saxaafadeedka.

Deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa noqotay goobaha ugu badan ee duqeymaha laga fuliyo, waxaana bishii hore kaliya dhacay dhowr duqeyn ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this