Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka cadaalada Puntland oo ku baaqday inaan loo naxariisan kuwa caadaystay kufsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Puntlandi) Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay awood dowladdeed in lagu dhaqangaliyo xeerka ciqaabta kufsiga, si Puntland looga ciribtiro tacadigaan.

Wasiir Saalax wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inuu shaqeeyo xeerkaan islamarkaana ay culayska saarayaan sidii uu uga dhaqan gali lahaa dhammaan gobolada Puntland, wuxuuna intaas ku daray  in lagala xisaabtamidoono cid walba oo xeerkaan kaalin ku leh fulintiisa.

Saalax Xabiib waxa uu ugu baaqay garsoorayaasha maxkamadaha Puntland inay ciqaabta ugu weyn marsiiyaan dadka geysta tacadiyada kufsiga, si ay ugu tusaale qaataan kuwa kale ee ku haminaya inay ku kacaan fal caynkaan oo kale ah.

“Garsoorayaasha waxaan ka codsanaynaa haddii qofka dambiga lagu helo inaysan u naxariisan oo ay ku ridaan ciqaabta ugu weyn ee uu xaqa uleeyahay, siiba kuwo kiiskaan kusoo noq noqday,” ayuu yidhi wasiir Saalax Xabiib Jaamac.

Hadlakaan ayuu wasiirku ka sheegay shir magaalada Gaalkacyo lagu qabtay oo ku saabsanaa caqabadaha hor taagan fulinta xeerka la dagaalanka Kufsiga.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this