Deeq A. Posted March 21, 2018 Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sh Ibraahim Muudeey oo wariyaasha Goordhow kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa baaq u diray Xildhibaanada. Cabdiwali Sh Ibraahim ayaa ku amray dhamaan xildhibaanada dalka ka maqan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka ugu soo laabtaan si looga galo mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari. Dhinaca kale Gudoomiye Muudeey ayaa sheegay in lakala fikirduwaanaan karo isaga oo sheegay in waajib ay tahay in la ilaaliyo kaaramada iyo sharafta Baarlamaanka. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo gudbiyay Mooshin xilka looga qaadayo gudoomiye Jawaari taasi oo dhowaan cod loo qaadi doono. Puntland Post Quote Share this post Link to post Share on other sites