Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Goodax “Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa ayaa Dalka qas kuwada”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo ragii la shaqeynayay fowdada dalka haatan ka jirta.

Goodax ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya in Xasan Shiikh Maxamuud uu Taleefan kula soo hadlo waqti walba ragga mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu ku dhiirigaliyo  khalkhalka lagu hayo dowladda Soomaaliya.

“Waxaa runtii waddanka qalqalinaya waa raggii Damujadiid, Xasan Sheekh xalay dad-buu soo wacayay xildhibaanna ah , wuxuuna u sheegay in lasii wado dagaalka dhanka afka ah ee lagula hayo Dowladda Farmaajo”, ayuu yiri C/laahi Goodax.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu ku fashilmay hogaaminta dalka sanadkiisii ugu dambeeyay, cadeyna ay u tahay in aan sagaal bilood wax mushaar ah la qaadan.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Goodax “Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa ayaa Dalka qas kuwada” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this